Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla degaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo ay hore u deggenaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay sameeyeen siyaasiyiin xiriir la leh dowladda dhexe.
Puntland ayaa sheegtay in dhammaan ciidamada iyo dhinacyada hubaysan ee ku sugan deegaannadeeda looga baahan yahay inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Puntland.
Taliska Booliiska ayaa sheegay inuu sii wadi doono tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga, iyadoo hawlgallada lagu fulinayo, sida ay sheegeen si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.
Waa xaruntii saddexaad oo ay ciidanka Puntland kala wareegayaan ciidamo taabacsan dowladda Federaalka, haatan waxaa sidoo kale gabagabo ku dhow in ay Puntland la wareegto ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo la sheegay inuu qaatay heshiis ah inuu la shaqeeyo Puntland, loona soo celiyo xaquuqdii ay lahaayeen.
Toddobaadkii hore wuxuu soo afjaray ciidankii PSF ee jiray labaatanka sano, kuwaas oo tan iyo markii uu xilka qabtay caqabad ku ahaa maamulkiisa, isla markaasna labo jeer dagaal uu ku dhexmaray Bosaso.











