Liibiya oo dalkeedi kasoo tarxiishay 14 muhaajiriin Soomaali ah

2

Hay’adda La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee bariga Tripoli ayaa dalka Liibiya ka tarxiishay 14 muhaajiriin Soomaali ah, kuwaas oo ku jiray mid ka mid ah xarumaha lagu hayo muhaajiriinta ee hay’adda.

Hay’addu waxay sheegtay in muhaajiriinta laga tarxiilay dalka iyadoo loo marayo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mitiga, kaddib markii la dhammaystiray dhammaan habraacyadii sharci iyo maamul ee looga baahnaa.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshayaal joogto ah oo dib loogu celinayo muhaajiriinta, iyadoo la raacayo xeerarka iyo nidaamyada dalka Liibiya.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in howlaha tarxiilka lagu fuliyo iskaashi lala sameeyo hay’adaha ay khuseyso, iyadoo la raacayo habraacyada loo dejiyey muhaajiriinta lagu hayo xarumaha ay maamusho.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka doonaya inay ka gudbaan Badda Mediterranean-ka si ay ugu gudbaan Yurub. Dalka ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis caalami ah oo ku saabsan habka loola dhaqmo muhaajiriinta lagu hayo xarumaha dalka.

Tarxiilkan ayaa noqonaya tallaabo kale oo ka mid ah howlgallada Liibiya ee dib loogu celinayo muhaajiriinta ku sugan xarumaha ay maamusho Hay’adda La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah.