Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi uu hogaaminayay xildhibaan Ronny Jackson, oo ka
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowlada, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah horumarka Jubaland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.
Mas’uuliyiinta heerka sare ah ee ka socday dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee dowladda Jubaland ay sannado badan ku bixisay la-dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Ammaanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, oo iyagoo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo argagixisada.
Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelisay dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.











