Madaxweyne Xasan Sheekh: Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu si weyn ugu tiirsanaan doonaa baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mustaqbalka dhaqaale, amni iyo horumar ee dalka uu si isa soo taraysa ugu xirnaan doono ka faa’iidaysiga khayraadka ballaaran ee badda Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in dowladda, ganacsatada iyo beesha caalamku mudnaanta siiyaan horumarinta dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy).

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, isla markaana xuduudaha dhaqaale ee badda (Exclusive Economic Zone) ay ku dhow yihiin laba jibbaar baaxadda dhulka dalka, taas oo uu ku tilmaamay fursad istaraatiiji ah oo wax weyn ka beddeli karta nolosha shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan in waqtigii badda laga jeesan jiray uu dhammaaday. Maanta dhaqaalaha, amniga iyo horumarka Soomaaliya qayb weyn waxay ku tiirsan yihiin baddeenna,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in xeebaha Soomaaliya intooda badan aysan ka jirin degsiimooyin waaweyn iyo adeegyada aasaasiga ah, taas oo uu sheegay inay caqabad ku tahay ka faa’iidaysiga khayraadka badda. Wuxuu tilmaamay in magaalooyin badan ay ka fog yihiin xeebaha, halka meelo badan oo xeebaha ah aysan lahayn bulshooyin si joogto ah u deggen.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xukuumadda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha dowladda inay iska kaashadaan qorshe lagu dhiirrigelinayo in shacabka Soomaaliyeed ay u guuraan deegaanada xeebaha, si loo kobciyo kalluumeysiga, ganacsiga badda iyo dhaqaalaha deegaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarinta xeebaha ay tahay kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka, dekedaha iyo gaadiidka badda.

“Waa inaan dhisnaa waddooyin, dekedo iyo gaadiid badeed isku xira magaalooyinka xeebaha. Horumarka qarniga 21-aad wuxuu u baahan yahay in badda laga dhigo laf-dhabarta isku socodka iyo ganacsiga dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha shanta sano ee soo socda ee dowladda federaalka mudnaanta koowaad lagu siin doono horumarinta badda iyo dhammaan fursadaha dhaqaale ee la xiriira, sida kalluumeysiga, gaadiidka badda, dalxiiska iyo sahminta khayraadka dabiiciga ah.

Dhanka iskaashiga caalamiga ah, Xasan Sheekh wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Turkiga, isagoo sheegay inay tahay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya kala shaqeysa si istaraatiiji ah horumarinta dhaqaalaha badda, amniga xeebaha, kalluumeysiga casriga ah iyo sahminta khayraadka.