Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashadii goleyaasha deegaanka ee ka dhacday Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo lagu tartamay 189 kursi.
Sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga, tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 193,451 cod, halka codadka ansaxay ay ahaayeen 193,451 cod, waxaana doorashada ka qayb galay ururo siyaasadeed oo kala duwan.
Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 135,247 cod, taas oo u dhiganta in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay, waxaana uu ku guuleystay 63 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha wakiillada.
Ururka Towfiiq ayaa kaalinta labaad galay, isagoo helay 26,003 cod, waxaana uu ku guuleystay 12 kursi.
Sidoo kale, ururka Sincad ayaa helay 12,862 cod, waxaana uu ku guuleystay 6 kursi, halka ururka Karaamo uu helay 10,668 cod iyo 5 kursi.
Si kastaba, qaar ka mid ah ururadii siyaasadeed ee tartamay ayaa muujiyey walaac ku saabsan habraaca doorashada iyo sida loo maamulay tirinta codadka. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ururadan ay wadaan wadatashiyo ku saabsan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, inkastoo aysan weli soo saarin bayaan rasmi ah oo mideysan.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaan weli faahfaahin ka bixin cabashooyinka ay soo jeediyeen qaar ka mid ah ururada siyaasadda.
Doorashadan ayaa ahayd mid ka mid ah tijaabooyinka doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda Soomaaliya, iyadoo Galmudug ay noqotay dowlad-goboleedyadii lagu qabtay doorasho goleyaal deegaan oo si toos ah shacabka u codeeyeen.











