Golaha Wakiillada Waqooyi Bari oo Maamuuska Xildhibaannimo ka Xayuubiyey Shan Xildhibaan

2

Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey in maamuuska xildhibaannimo laga xayuubiyo shan mudane, oo ka noqday arragtida maamulka, isla markaana is casilay sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha.

Xildhibaannada maanta laga xayuubiyey maamuuska ayaa kala ah: Makhtal Siciid Maxamuud, Cabdisalaan Cabdillaahi Cabdiraxmaan, Sidiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Xasan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aanka ay taageereen 57 mudane, taas oo Goluhu ku sheegay inay waafaqsan tahay qodobka 9-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kaas oo dhigaya in go’aanka noocan ahi ku ansaxayo codka saddex meelood laba meel xubnaha Golaha.

Go’aankan ayaa daba socda tallaabo hore oo uu Goluhu ka qaaday xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Fahiima Quuje), oo hore xasaanadda looga qaaday, kaddib markii ay ku dhawaaqday inay ka baxday maamulka Waqooyi Bari isla markaana ay taageertay Somaliland.

Xildhibaanada is casilay ayaa sheegay in ay qorsheynayaan inay maanta ku dhawaaqaan jihada cusub ee siyaasadeed ee ay qaadanayaan iyo magaalada ay saldhig ka dhigan doonaan.