Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay in lagu waxyeelleynayo amnigeeda

1

Puntland ayaa ku eedeysay maamulka Galmudug inuu dowladda Federaalka kala shaqeynayo joogitaanka maleeshiyaad ay sheegtay in laga abaabulayo deegaannada maamulkaas si loogu dhibaateeyo shacabka reer Puntland.

War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Galmudug looga baahan yahay inay ka waantoowdo arrimahaas, isla markaana ay xoogga saarto xoojinta deris-wanaagga, iskaashiga amniga iyo nabadgelyada oo ay sheegtay inay muddo dheer ka dhexeeyeen labada maamul.

Dowladda Puntland waxay fariin gaar ah u direysaa Dowlad Goboleedka deriska ah ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaadka soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland, oo ay Galmudug ka dhexeyso deris wanaag, iskaashi amni, iyo nolal ku dheehan nabadgelyo oo muddo dheer soo jirtay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay la socoto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka iyo kuwa PSF, kuwaas oo ay sheegtay inay khatar ku yihiin amniga Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo Galmudug ay weli kaga jawaabtay eedeymaha ay Puntland u jeedisay.

Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay in lagu waxyeelleynayo amnigeeda