Dagaal beeleed dib uga billowday gobolka Sanaag iyo maamulka Waqooyi Bari oo soo saaray baaq nabadeed

3

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Waqooyi Bari ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleed mar kale dib uga qarxay deegaanka Dawaco ee degmada Badhan, gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dib u billowday subaxnimadii maanta, isagoo ku fiday deegaanada Dawaco iyo Dhabardalo, halkaas oo ay isku horfadhiyeen laba beelood oo walaalo ah.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in rasaastu socotay ku dhowaad saddex saacadood, iyadoo xaaladdu weli tahay mid kacsan.

Colaaddan ayaa dib u soo cusboonaatay kadib dagaallo xooggan oo isla labada beelood ku dhex maray deegaanka Laasimo bishii May ee sanadkan, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 20 qof.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka ugu dambeeyay, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loogu baaqay dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka, isla markaana ilaaliyaan nabadda, wada noolaanshaha iyo badbaadada shacabka. Wasaaraddu waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada inay is-xakameeyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqday isimada, cuqaasha, waxgaradka, culimada, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si degdeg ah uga qayb qaataan dadaallada lagu daminayo colaadda, isla markaana hormuud ka noqdaan nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta.