Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in maxaabiista ay kala haystaan Somaliland iyo maamulka Waqooyi Bari la sii deyn doono hal maalin, marka heshiis rasmi ah laga gaadho arrintaas.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh), ayaa sheegay in nabadgalyada iyo xal u helista arrinta maxaabiistu ay ka mid yihiin mudnaanta koowaad ee Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay gacanta ku hayaan Guddida Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka.
“Waxa aanu bulshada ugu baaqaynaa inay ka war sugaan guddida arrintan u xil saaran. Marka heshiis la gaadho, maxaabiista labada dhinac ka kala xidhan isku maalin ayaa la sii deyn doonaa,” ayuu yidhi Galaydh.
Masuulkan ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo dib-u-heshiisiin iyo xasillooni, isaga oo sheegay in waayo-aragnimadii shirarkii nabadeed ee Somaliland lagu yagleelay ay muujisay muhiimadda ay leedahay isu tanaasulka iyo wada hadalku. Waxa uu xusay in dagaalkii Laascaanood uu saamayn ballaadhan ku yeeshay bulshada, balse mustaqbalka lagu gaadhi karo wada noolaansho haddii la xoojiyo nabadda iyo is-afgaradka.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay bulshada dhexdeeda ku faafayeen warar sheegayay in xukuumadda Somaliland qorshaynayso inay si Hal dhinac ah u sii deyso maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ee ku xidhan Hargeysa.
Shakigaas ayaa sii xoogaystay kadib soo dhoweyntii loo sameeyay Fahiima Quuje, taas oo dhalisay dood ku saabsan suuragalnimada is-weydaarsiga maxaabiista. Dadka qaarkood ayaa ku baaqay in Somaliland sii deyso maxaabiista ay hayso, halka kuwo kalena ay ku adkaysteen in sii deyntu ku timaaddo oo keliya is-weydaarsi ay labada dhinac isku mar u fuliyaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa hadalkan ku caddeysay mowqifkeeda ah in sii deynta maxaabiistu ku iman doonto heshiis ay labada dhinac gaadhaan, isla markaana aan la kala hor marin doonin maxaabiista ay kala haystaan.











