Mareykanka oo Soomaaliya ku Daray Liiska Dalalka qataraha ugu badan kaga digay muwaadiniinista

2

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dartay liiska dalalka ugu sarreeya ee digniinta safarka (Heerka 4-aad), iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inaysan u safrin dalka sababo la xiriira xaaladda amniga, khataraha argagixisada, iyo awoodda xaddidan ee adeegyada qunsuliyadeed.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 11 waddan oo Afrikaan ah oo lagu daray liiska “Ha u Safrin”, waxaana sidoo kale ku jira Burkina Faso, Liibiya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Mali, Niger, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda. Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan kuwa qorsheynaya inay booqdaan qoysaskooda ama maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in digniinta safarka ay yareyn karto tirada booqashooyinka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku tagto dalka, taasoo saameyn ku yeelan karta ganacsiyada, maalgelinta iyo lacagaha ay qurbo-joogtu ku bixiyaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in digniintan ay saameyn ku yeelato hay’adaha iyo shirkadaha Mareykanka ee qorsheynaya inay Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic horumarineed ama maalgashi, maadaama shirkado badan ay tixraacaan digniinaha safarka marka ay qiimeynayaan heerka khatarta.

Dhanka kale, qaar ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa hore u dhaliilay digniinaha noocan ah, iyagoo ku doodaya inaysan mar walba si buuxda uga tarjumayn xaaladaha amni ee ka jira dhammaan gobollada dalka, isla markaana ay saameyn taban ku yeeshaan xiriirka bulshada qurbo-joogta ah iyo dalkooda hooyo.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in qiimeyntan ay ku saleysan tahay arrimo ay ka mid yihiin amniga, khatarta argagixisada, afduubyada, colaadaha hubeysan iyo xaddidaadaha awoodda ay u leedahay inay adeegyo qunsuliyadeed siiso muwaadiniinteeda marka ay dhibaatooyin ka dhacaan gudaha Soomaaliya. Inkasta oo digniintani si toos ah u quseyso muwaadiniinta Mareykanka, haddana waxay yeelan kartaa saameyn ballaaran oo ku saabsan socdaalka, maalgashiga iyo xiriirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka la leedahay dalkooda.