Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay oo sheegaya inuu booqasho qarsoodi ah ku tagay Israa’iil.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee X (Twitter), ayuu Balcad ku tilmaamay wararkaas kuwo “been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,” isagoo caddeeyay inuusan jirin wax safar ah oo uu ku tagay dalkaas.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in aysan jirin sabab uu ugu safro Israa’iil, maadaama aysan Soomaaliya iyo Israa’iil lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed ah.
Waxa uu intaa ku daray in eedeymaha la faafiyay ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan sax ahayn.
Wararkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, taas oo keentay in wasiirku si toos ah uga jawaabo oo uu meesha ka saaro sheegashooyinkaasi.
Soomaaliya ayaa muddo dheer ku adkayd mowqifkeeda ah in aysan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Israa’iil, isla markaana ay si joogto ah uga taageerto arrinta Falastiin fagaarayaasha caalamiga ah.











