Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in ay si buuxda u dhaqan-gashay amarkii Madaxweynaha ee ahaa in hubka culus laga mamnuuco gudaha magaalada Muqdisho.
“Muqdisho waxaan rajeynaynaa inay noqoto meel aan ku bilowno in wasiirku qaato laba nin oo bistoolado wata… xildhibaannadana sidaas oo kale,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Wuxuu si adag u dhaleeceeyay dhaqanka hubka faraha badan ee ay wataan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Waxa uu sheegay in la doonayo in la joojiyo “taliye ama sarkaal meel ordaya oo hub culus wata,” isla markaana magaalada laga dhigo mid ka caagan hub sharci-darro ah.
Wasiirku wuxuu xusay in amniga caasimadda uu yahay mudnaanta koowaad, ayna dowladda ka go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Wasiirka ayaa ku adkeystay in Muqdisho ay noqoto magaalo si tartiib ah looga ciribtiro hubka, isla markaana lagu gaaro nidaam amni oo mideysan oo waafaqsan tilmaamaha madaxda sare ee dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday dadaallada lagu xoojinayo amniga caasimadda iyo hub ka dhigista qaybaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.











