Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee sannadka 2026.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada, isla markaana ay juhdi iyo dadaal badan gelisay mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyo dhismaha aqoonta heerarkeeda kala duwan.
“Waxbarashadu ma aha waddada guusha oo keliya, ee waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed, waana tiir adag oo diini ah oo Qur’aanka iyo Sunnaha lagu xusay, taas oo ina tusinaysa mudnaanta ay leedahay in ardayda wax la baro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhiirrigeliyay ardayda galaysa imtixaanka qaranka ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare inay guul wanaagsan ka gaaraan, isagoo sidoo kale bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada XFS, macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada dugsiyada dalka.











