Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac iyo murugo xooggan ka muujisay dagaallo iyo falal beegsi ah oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhex maray beelo walaalo ah degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay in colaadahaasi ay horseedeen dhimasho, dhaawac, gubid hantiyeed, dhac iyo barakac ballaaran oo soo gaaray shacabka deegaanka, iyadoo cambaareysay falalkaas oo ay ku tilmaantay kuwo ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ka digtay faafinta waxyaabaha kicinaya colaadda ee lagu baahinayo baraha bulshada, iyadoo sheegtay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono dadka ku lugta leh faafinta fariimaha hurinaya rabshadaha iyo kala qaybinta bulshada.
Waxay sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, waxgaradka deegaanka iyo maamulka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta dagaallada, xoojinta nabadda iyo ka shaqeynta xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka jira.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Alle uga baryey intii ku geeriyootay dagaalladaas inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhaawacyadana caafimaad degdeg ah siiyo, isla markaana shacabka ay dhibaatadu saameysay uu ka dulqaado xaaladaha adag ee ay wajahayaan.











