Golaha Mustaqbalka oo soo bandhigay qorshe cusub oo doorasho, kulan la yeeshay beesha caalamka

0

Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa sida aan wararka ku helnay beesha caalamka u gudbiyay hindise cusub oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, kaddib kulan ay la yeesheen wakiillo ka socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo UK.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu heshiin lahaa hannaanka doorashooyinka.

Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inuu markii ugu horreysay aqbalay in Soomaaliya ay u gudubto doorasho toos ah oo ay shacabka si toos ah ugu soo doortaan xubnaha Baarlamaanka.

Qorshaha ay gudbiyeen ayaa lagu sheegay in doorashada laga qabto afar degmo oo dowlad-goboleed kasta ah, iyadoo maamulka doorashadana ay wada fulinayaan guddi heer federaal ah iyo guddi ka socda dowlad-goboleedka ay doorashadu ka dhacayso.

Hindisaha ayaa sidoo kale dhigaya in aan la adeegsan nidaamka ururrada siyaasadeed ee ay dowladda federaalku ku howl jirto, balse doorashadu ku salaysnaato habka awood-qaybsiga ee 4.5, iyadoo la ilaalinayo saamiga kuraasta beelaha, isla markaana dadka deegaannada ay si toos ah ugu codeeyaan kuraastaasw

Waxay soo jeediyeen in codbixinta lagu qabto hal maalin, iyadoo la adeegsanayo waraaqo codbixin ah, halkii laga isticmaali lahaa nidaam elektaroonig ah.

Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in doorashooyinka dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug lagu qabto muddo saddex bilood gudahood ah, halka doorashada heer federaalna lagu soo gabagabeynayo ugu badnaan lix bilood.

Wakiillada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiyaan hindisahan kaddib wada-tashi ay la yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.