Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyagoo sheegay in dhibaatooyin ballaaran ay hareeyeen adeegyada loo fidiyay xujaajta Soomaaliyeed intii lagu jiray Xajka sanadkan.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in qaar ka mid ah xujeyda lagu dejiyay goobo ka fog meelaha cibaadada, halka kuwo kalena lagu dajiyay dhismayaal aan ku habboonayn qaabilaadda dadka xajka gudanaya. Waxay sidoo kale tilmaameen in xaalado adag ay ka jireen Mina, Muzdalifah iyo Carafo, xilli heerkulka sare uu saameyn ku yeeshay xujaajta.
Sida ay sheegeen xildhibaanadu, markii ugu horreysay ayay xujey Soomaaliyeed cabashooyin iyo mudaharaadyo ka sameeyeen gudaha Sacuudiga, iyagoo ka cawday gaajo, hoy xumo iyo adeeg la’aan. Xildhibaanadu waxay ku doodeen in arrintaasi dhaawac ku tahay sumcadda dowladda Soomaaliya.











