Israa’iil ayaa waaberigii saaka duqeymo cirka ah ka fulisay badhtamaha iyo galbeedka Iiraan, saacado yar kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku booriyay in aanu si degdeg ah uga aargoosan weerar gantaallo ah oo ay Iiraan ku qaaday Israa’iil.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Tehran, Isfahan, Karaj iyo Tabriz, halka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ay sheegeen in Israa’iil ay adeegsatay gantaallo ballistik ah oo hawada laga soo riday. Dowladda Iiraan ayaa sidoo kale xidhay hawada ku hareeraysan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Imam Khomeini ee Tehran.
Weerarradan ayaa yimid kadib markii Iiraan ay xalay fiidkii ku garaacday waqooyiga Israa’iil tiro gantaallo ballistik ah, taas oo jawaab u ahayd duqeyn Israa’iil ka geysatay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta magaalada Beyruut ee Lubnaan. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in dhammaan gantaalladii Iiraan la qabtay ama ay ku dhaceen goobo bannaan.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in duqeynta Beyruut lagu badhtilmaameedsaday xarun talis oo ay lahaayeen dagaalyahannada Hezbollah, kadib weerarro ay kooxdaasi ku qaaday waqooyiga Israa’iil. Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan laba qof lagu dilay halka 20 kalena lagu dhaawacay weerarkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu Netanyahu kula hadlay taleefan si uu uga dhaadhiciyo in aanu jawaab degdeg ah ka bixin weerarka Iiraan. Trump ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay Financial Times ku sheegay in isaga uu yahay qofka “go’aannada waaweyn qaata”, isaga oo xusay in Netanyahu aanu kaligiis go’aan ka gaadhi karin xaaladda gobolka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu “ogolaansho” siiyay weerarkii lagu qaaday Beyruut, isaga oo sheegay in hantida iyo ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil ay hadda yihiin “badhtilmaameedyo sharci ah”.
Xiisadda sii kordhaysa ayaa saameyn ku yeelatay suuqyada caalamka, iyadoo qiimaha shidaalka Brent uu sare u kacay in ka badan saddex dollar halkii foosto, halka suuqyada saamiyada ee Aasiya ay hoos u dhaceen.
Dagaallada Lubnaan ayaa dib u qarxay bishii Maarso ee sanadkan kadib markii Hezbollah ay gantaallo ku weerartay Israa’iil, taas oo ka dambaysay dilkii hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei. Tan iyo markaas, duqeymaha Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 3,600 oo qof gudaha Lubnaan, halka weerarrada Hezbollah ay dileen tobannaan askari iyo dad rayid ah oo Israa’iiliyiin ah.











