Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho isla markaana dib loogu laabto wada-hadal siyaasadeed si xal loogu helo khilaafka taagan.
Farmaajo ayaa sheegay in muddo dheer laga digayay in xaaladdu halkaas gaarto, isagoo ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaaday tallaabooyin horseeday xiisadaha iyo iska horimaadyada hadda ka socda Muqdisho.
Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay in goobtaas ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed iyo xubno kale oo ku howlanaa dadaallo lagu raadinayay xal siyaasadeed.
Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka ku nool deegaannada ay colaadaha saameeyeen ay la kulmeen cabsi iyo barakac, isagoo tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay dagaallada, una duceeyay dhaawacyada iyo dadka ka barakacay guryahooda.











