Qaramada Midoobay oo cambaareysay dagaallada Muqdisho, baaqna u dirtay dhinacyada is haya

0

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa si adag uga hadlay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda siyaasadeed inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyadeed, joojiyaan colaadda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta nolosha shacabka.

Bayaan ay UNTMIS soo saartay ayay ku sheegtay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed, iyadoo ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si loo ilaaliyo xasilloonida dalka.

Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa sidoo kale dib u xusuusiyay baaqyadoodii hore ee ku aaddanaa in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo si nabad ah, lagana fogaado tallaabooyin dhaawici kara geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Bayaan-kan ayaa imaanaya xilli dagaallo culus ay ka qarxeen qaybo ka mid ah Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogag taageersan mucaaradka, iyadoo shacabka deegaannada qaar ay ka qaxeen guryahooda sababo la xiriira rasaasta iyo madaafiicda la isweydaarsanayo.

UNTMIS waxay sheegtay in saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay fududeeyaan dadaallada lagu gaarayo heshiis siyaasadeed iyo wadahadal loo dhan yahay si loo yareeyo xiisadda taagan.