Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta, inta lagu jiro kalfadhigiisa 80-aad, u codeynaya doorashada shan xubnood oo cusub oo aan joogto ahayn oo ku biiri doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ay dhammaaneyso muddadii xilheynta laba sano ahayd ee dalalka hadda ku fadhiya kuraastaas, kuwaas oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Sida uu dhigayo nidaamka Golaha Ammaanka, kuraasta aan joogtada ahayn waxaa loo qaybiyaa gobollada kala duwan ee adduunka. Kursiga Afrika ee ay hadda ku fadhido Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan ku guuleysto Zimbabwe, oo loo arko musharraxa u taagan gobolka.
Soomaaliya ayaa kursigan ku guuleysatay doorashadii lagu qabtay kalfadhigii 78-aad ee Golaha Guud, iyadoo ahayd musharraxa keliya ee ka socday Bariga Afrika. Waxayna si rasmi ah xilka ula wareegtay 1-dii Janaayo 2025, iyadoo muddada xilheynteedu ku eg tahay 31-ka Diseembar 2026.
Xubinnimadan ayaa ah markii labaad ee Soomaaliya ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka, kaddib markii ugu horreysay ay kursigan ku fadhiisatay muddadii u dhexeysay 1971 ilaa 1972.
Mudadii ay Soomaaliya ka tirsaneyd Golaha Ammaanka, waxaa dalka u suurtagashay guulo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarnayd muddo ka badan soddon sano iyo dhammeystirka hannaanka cafinta deymaha dibadda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xubinnimada Golaha Ammaanka ay sare u qaadday doorka iyo saameynta dalka ee arrimaha nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ay gacan ka geysatay dib u soo celinta miisaanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.











