Afhayeenka Hawlgalka Calmiskaad, Gen. Maxamuud Jaamac Faadhigo, ayaa sheegay in ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku dhigeen dagaalame ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay deegaanka Af-cas ee buuraha Calmiskaad.
Afhayeenka howlgalka Calmiskaad wuxuu sheegay in ninka la qabtay uu u dhashay Yemen, isla markaana uu muddo ka tirsanaa dagaalamayaasha Daacish ee ka hawlgala buuraha Calmiskaad.
Waxa uu xusay in kooxda Daacish ay wajahaysay xaalad adag oo dhinaca sahayda iyo cunnada ah, taas oo ku qasabtay inay ku tiirsanaadaan dameeraha ay helaan.
Faadhigo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland iyo kuwa deegaanka ay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Daacish, isagoo xusay in goobihii ay ku sugnaayeen la hareereeyay isla markaana dhaqdhaqaaqyadooda si dhow loola socdo.











