Maraykanka oo sii xoojiyay siyaasada midnimada Soomaaliya, isla markaana qiimayn ku sameeyay xidhiidhka Somaliland

6

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay u gudbisay Kongareeska ku faahfaahisay meelaha suurtagalka ah ee lagu xoojin karo wada-shaqeynta kala dhaxaysa Somaliland, iyadoo isla markaana mar kale caddeysay inay aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixintan oo cinwaankeedu yahay “Meelaha uu Maraykanku Wada Shaqayn Kala Yeelan Karo Somaliland” ayaa lagu sheegay in Mareykanku Somaliland u arko saaxiib muhiim ah oo dhanka amniga ah, maadaama ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo xeebaha Badda Cas. Sida lagu xusay warbixinta, Somaliland waxay gacan ka geysan kartaa dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee gobolka, gaar ahaan xidhiidhada la sheegay inay kala dhexeeyaan Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xidhiidh joogto ah la leeyahay masuuliyiinta Somaliland isla markaana uu daraaseynayo fursado dheeraad ah oo iskaashi amni. Dhinaca diblomaasiyadda, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa la sheegay inay booqashooyin joogto ah ku tagto Somaliland si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhanka dhaqaalaha, Mareykanku wuxuu tilmaamay in dekedaha Somaliland, gaar ahaan horumarinta dekedda iyo garoonka Berbera, ay abuuri karaan fursado cusub oo maalgashi iyo ganacsi, gaar ahaan iyadoo Itoobiya ay tahay dal aan bad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan maqaamka Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya ay weli caqabado ku yihiin maalgashiga, bangiyada iyo ganacsiga gobolka.