Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada hoggaanka iyo Goddonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo la guda gelayo marxalad cusub oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka dalka.
Dhanka kale, tartanka hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa furmi doona 5-ta Juun, iyadoo musharrixiinta xilkaas isku diiwaangelin doonaan muddo laba maalmood ah.
Liiska kama dambaysta ah ee musharrixiinta ayaa la shaacin doonaa 7-da Juun, halka hadal-jeedinta musharrixiinta la qorsheeyay 8-da Juun.
Jadwalku wuxuu muujinayaa in doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay dhici doonto 10-ka Juun, xilli ay jiraan doodo siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo heerka wada-tashiga dhinacyada siyaasadda.












