Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh khilaafaadka siyaasadeed ee dalka inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado iyo xasillooni-darro.
War ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku dhiirrigelinayo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka si xal looga gaaro khilaafaadka taagan, loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale caddeysay inay diyaar u tahay inay fududeyso ama dhexdhexaadiso wada-hadallada Soomaalida haddii loo baahdo, si loo helo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Beesha Caalamka ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in dib loogu laabto wadahadal iyo heshiis siyaasadeed, si looga hortago xaalad kasta oo sii xumeyn karta mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga Soomaaliya.











