Ra’iisul wasaare Rooble oo Garowe kula kulmay Odayaasha dhaqanka Puntland

10

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, waxa uu ka wadaa kulamo uu la qaadanayo madaxda ugu sarreysa mamulka iyo waxgaradka Puntland.

Ra’iisul wasaare Rooble aya maanta kulan gaar ah magaaladaasi kula qaatay, Odayaasha dhaqanka Puntland iyagoo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu Odayaashii uu la kulmay uga warbixiyay ujeeddada safarkiisa ee maamlmahan uu ku joogo magaalada Garowe ee caasimada u ah maamulka Puntland.

Odayaasha dhaqanka Puntland ayaa iyaguna Ra’iisul wasaaraha u soo jeediyay, talooyin ku aadan hannaanka dawlad dhisidda iyo muhiimadda ay u leedahaya dawladnimada Soomaaliya Bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe u jooga xal u helista arrimaha khilaafka u dhexeeya madaxda dawladda dhexe iyo sidoo kale sidii uu ugala hadli lahaa maamulka Puntland arrimaha ku aadan doorashooyinka guud ee dalka.