Madaxweynaha Somaliland oo maanta tagay magaalada Nairobi

17

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee Soomaalilad ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu safar magaalada Hargaysa madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uga ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland ayaa garoonka magaalada Hargeysa ka sii sagootiyay wafdigan uu horkacyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu safarkiisa la xiriiraa, martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, sidaas darteedna uu maanta safarkan ugu ambabaxay magaalada Nairobi.

Kadib markii ay gaareen madaxweynaha iyo wafdigiisa magaalada Nairobi , ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Kenya.

Biixi ayaa waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda iyo ganacsiga.

Safarkan madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Kenya, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xiisadda siyaasadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay mareyso heerkii ugu sarreeyay, lamana oga ujeedada uu ka leeyahay madaxweyne Uhurru casumaadan uu u fidiyay madaxweyne Biixi.