Wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo bandow kusoo rogtay magaalada Baydhabo

0

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (Joon), ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin amni oo adag oo laga hirgelinayo magaalada Baydhabo, iyadoo maamulka uu sheegay in tallaabooyinkan lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka, badbaadinta shacabka iyo ilaalinta hantida guud.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow habeenkii dhaqan galaya laga bilaabo 7da fiidnimo ilaa salaadda Subax, iyadoo bandowgaasi sii jiri doono ilaa amar dambe.

Sidoo kale, wuxuu amray in dhammaan hubka ay haystaan mas’uuliyiinta maamulka, siyaasiyiinta, shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay dib loo diiwaangeliyo, isagoo sheegay in tallaabadaasi looga gol leeyahay sugidda amniga magaalada.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay in ciidamada ammaanku bilaabi doonaan baaritaanno lagu sameeyo guryaha iyo xarumaha looga shakisan yahay inay khatar ku yihiin amniga. Wuxuu xusay in howlgalkaasi aanu si gaar ah u bartilmaameedsanayn koox ama shaqsi siyaasadeed, balse uu yahay qorshe lagu xaqiijinayo amniga doorashada iyo shacabka.

Dhanka kale, Maxamed Xuseen Xasan ayaa ugu baaqay dadka lagu tuhunsan yahay falalka amni-darrada iyo kuwa xiriirka la leh kooxaha hubeysan inay isku soo dhiibaan Maamulka, isaga oo ka digay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal lagu qalqalgelinayo amniga Baydhabo iyo geeddi-socodka doorashada.