Faransiiska oo dalbaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlo howlgalka Israa’iil ee Lubnaan

0

Dowladda Faransiiska ayaa codsatay in si degdeg ah loo isugu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay ballaariyeen howlgalladooda dhulka ee koonfurta Lubnaan islamarkaana ay la wareegeen qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort Castle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in dalkiisu dalbaday kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ah si looga arrinsado xaaladda sii xumaaneysa ee Lubnaan.

“Waxaan codsaday shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, sababtoo ah inkasta oo aan aqoonsannahay xaqa Israa’iil ay u leedahay is-difaacidda, sida dal kasta oo kale, haddana wax cudurdaar ah ma jiro oo lagu sii wadi karo howlgalada militari ee Israa’iil ka waddo Lubnaan iyo qabsashada sii fidaysa ee dhulka Lubnaan,” ayuu yiri Barrot oo la hadlay telefishinka BFMTV.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan ay sii kordheyso, iyadoo beesha caalamka ay walaac ka muujineyso ballaarinta howlgalada militari iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga gobolka.