Maamulka Galmudug oo sheegay in dad loo soo qabtay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Galmudug ay dad u soo qab qabteen, qarax barqanimadii maanta ka dhacay, magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa ugu horreyn waxa uu faahfaahiyay, khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxa ayna sheegeen in ilaa Siddeed ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo shacab iyo Askar isugu jira.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaana sidaasi u sheegay warbaahinta, isagoo sheegay in dadkan ay Ciidamadu soo qabteen kadib markii ay hawlgal ka sameeyeen gudaha magaalada .

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in dadka la soo qabtay ay gaarayaan Afar ruux, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay lug ku lahaayeen qaraxii maanta, isla markaasina ay baaritaan ku sameynayaan.