Midowga Yurub oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya

1

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhammaan dhinacyada isla markaana uu dhiirrigelinayo wadahadalka sidii waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed.

“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-xaajood iyo natiijooyin wax ku ool ah.

Danjiruhu waxay sheegtay in wada-hadallo u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay jireen kahor intii aysan imaan Soomaaliya bishii Sebtembar ee sanadkii hore, isla markaana doorka Midowga Yurub uu ahaa inuu xiriir joogto ah la yeesho dhammaan dhinacyada.

Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in dhinacyada siyaasadda ay ka qeyb galaan wada-hadallada marka lagu dhawaaqo, islamarkaana laga shaqeeyo natiijooyin la taaban karo.