Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay xoojinta tababarrada militariga iyo iskaashiga amniga

0

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Talyaaniga si looga wada hadlo xoojinta iskaashiga dhinacyada militariga, tababarrada iyo taageerada ciidanka xoogga dalka.

Wafdiga Talyaaniga, oo uu hoggaaminayay xiriiriyaha militariga Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, ayaa lagu qaabilay xarunta taliska ciidamada xoogga dalka, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed.

Saraakiishaan militariga ayaa sheegay in wada hadallada ay diiradda saareen ballaarinta iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo Talyaaniga, oo ay ku jiraan taageerada farsamo, tababarrada ciidamada lugta iyo dhismaha awoodda hay’adaha difaaca Soomaaliya.

Taliye Sahal ayaa wafdiga Talyaaniga uga warbixiyay mudnaanta degdegga ah ee ciidamada lugta Soomaaliyeed, isaga oo xusay in iskaashiga joogtada ah ee caalamiga ahi uu muhiim u yahay xoojinta guulaha amni ee laga gaaray dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dardargelinayso dadaallada dib loogu dhisayo loona casriyeynayo ciidamada qalabka sida, iyadoo dowladdu doonayso inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.