Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dalka uu kasoo kabanayo tobannaan sano oo amni darro iyo qalalaase siyaasadeed ah, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
“Bulshada Soomaaliyeed waxay maanta si nabad ah ula dabaaldegayaan farxadda Ciidda, iyada oo aysan jirin cabsiihii hore,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
“Dhallinyaro badan ayaa u shahiiday nabadda Muqdisho maanta haysato. Waxay mudan yihiin in loo mahadceliyo, lana garab istaago,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan “siyaasadeynta amniga iyo ciidamada,” isaga oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay dhegeysato aragti kasta oo siyaasadeed oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed.
Khudbaddiisa ayuu si gaar ah ugu difaacay xorriyadda hadalka iyo mudaaharaadyada nabadeed, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka ay aqbalsan tahay dhaliilaha iyo mucaaradka siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si xor ah u doortaan hoggaankooda, isaga oo mar kale ku celiyay taageerada dowladda ee doorasho qof iyo cod ah.
“Haddii shacabka ay doortaan cid kale, waan hambalyeynaynaa oo waan la shaqeynaynaa. Haddii ay annaga na doortaan, sidoo kale waan sii wadaynaa shaqada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho ay kasoo gudubtay waqtiyo adag oo ay hareeyeen dagaallo, cabsi iyo kala dambeyn la’aan, isaga oo tilmaamay in shacabka magaalada ay hadda muujiyeen biseyl siyaasadeed iyo rabitaan ay ku ilaalinayaan nabadda.
“Muqdisho way kasoo daashay colaaddii iyo qalalaasihii. Dadkeedu waxay go’aan ku gaareen inay ilaashadaan nabadgelyadooda,” ayuu yiri.











