Warbixin ay daabacday Fox News ayaa lagu seegay in Somaliland muhiimad sii kordhaysa ku leedahay dhinaca amniga gobolka, xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhexeeya Iran, Maraykanka iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Warbixintu waxay sheegtay in quwadaha reer galbeedku ay Somaliland u arkaan meel leh muhiimad juqraafiyeed oo weyn.
Sida lagu sheegay warbixinta, Iran ayaa walaac ka muujisay suurtagalnimada in Maraykanka iyo xulafadiisu isticmaalaan dekedda iyo madaarka Berbera si ay u xoojiyaan hawlgallada amni ee gobolka. Berbera waxay ku taallaa meel muhiim u ah marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ay maraan maraakiib badan oo ganacsi iyo shidaal sida.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi dhinaca amniga ah oo ay la yeelato Maraykanka iyo waddamada kale ee daneeya xasilloonida gobolka. Wuxuu xusay in Somaliland ay muhiimad gaar ah u leedahay ammaanka xeebaha iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah.











