Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka aloosan maamulka Galmudug, iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in siyaasiga Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) loo diyaariyo hoggaanka Galmudug, halka Madaxweyne Qoorqoor uu si adag u taagan yahay inuu sii joogo talada maamulkaasi, arrintaas oo sii xoojisay kala aragti duwanaanta labada dhinac.
Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu la saftay Madaxweyne Qoorqoor, haddii uusan isaga heli karin kursiga hoggaanka Galmudug, taas oo sii murjisay xaaladda siyaasadeed ee maamulka.
Xiisaddan oo maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxaysay ayaa hadda gashay marxalad cusub oo xasaasi ah, kadib markii ay soo baxayeen warar muujinaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo culus oo laga dareemayo deegaannada Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.
Kulamo xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay xaaladda Galmudug, kuwaas oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasimaha NISA Mahad Salaad.
Wararka qaar ayaa sheegaya in abaabul ciidan iyo guluf colaadeed uu ku wajahan yahay magaalada Dhuusamareeb, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed isu beddelo mid amni oo halis ku noqda xasilloonida Galmudug iyo guud ahaan dalka.











