Xarun casri ah oo shaqo-abuur loogu sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho laga furayo

0

Shirkadda caanka ah ee LG Electronics, Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA), Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsan Soomaaliya, iyo Xarunta Nabadda ee Elman (Elman Peace Centre) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub oo ujeedkiisu yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu baro xirfado farsamo, si loogu abuuro fursado shaqo oo waara, loona xoojiyo xasiloonida iyo nabad-dhiska dalka.

Heshiiska iskaashiga oo si rasmi ah loogu kala saxiixday magaalada Addis Ababa, ayaa lagu dhisayaa xarun cusub oo casri ah oo dhanka tababarada farsamada iyo adeegga ah oo laga fagi doono magaalada Muqdisho. Mashruucan ayaa daba jooga guushii laga gaaray Kulliyadda Farsamada ee horey looga dhisay dalka Itoobiya, oo muddo 13 sano ah laga fulinayay barnaamij kan oo kale ah oo boolal lagu guulaystay.

Xarunta cusub ee laga furayo Muqdisho waxay dhallinyarada Soomaaliyeed bari doontaa xirfado suuqoodu aad u sarreeyo, gaar ahaan: Dayactirka Qalabka Korontada iyo Qalabka Guriga: Sida qaboojiyayaasha, firijyada, iyo qalabka kale ee shirkadda LG. Teknoolajiyada: Sida barashada qalabka kombiyuutarka (hardware) iyo (networking).

Si dhallinyarada loogu diyaariyo inay abuuraan ganacsi u gaar ah iyo qaabka ay shaqo u raadsan lahaayeen, waxay xarunta cusub ka dhisi doontaa dhinacyo kala duwan, oo u sahlaya inay ku horumariyaan noloshooda iyo xirfadooda.

Ka hor inta uusan tababarku bilaaban, macallimiin ka tirsan Xarunta Nabadda ee Elman ayaa loo diri doonaa dalka Itoobiya si ay tababar heer sare ah ugu soo qaataan, si ay xirfadahaas u keenaan Soomaaliya, uguna gudbiyaan dhalinyarada shaqo-abuurka loo sameynayo. Marka ay dhallinyaradu qalin-jabiyaan, waxaa lagu caawin doonaa sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen, iyadoo lagu xirayo shirkado gaar loo leeyahay oo ay ku jirto LG.