Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay sheegtay in “xilli kala-guur” uu galay dalka

8

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka uu ku jiro “xilli kala-guur”, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dowladda federaalka ay si rasmi ah ugu tilmaanto xaaladda siyaasadeed ee dalka marxalad kala-guur ah.

Fiqi oo hadal ka jeediyay goob maqaaxi ah oo ku taalla magaalada Muqdisho, isla markaana ay la joogeen xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, ayaa sheegay in xilliyada kala-guurka ay inta badan jiraan dad “qalqal iyo fowdo abuura”.

“Xilliyada kala-guurka oo xilliyadan oo kale ah dad badan oo tuugo ah ayaa ummadda khalkhal geliya, kuwaas halkooda ayaan ku caburinaynaa,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda aysan diidaneyn kulamada mucaaradka, isagoo xusay inay ku kulmi karaan Hotel Jazeera si ay halkaas ugula hadlaan shacabka.

Hadalkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Baarlamaanku muddo hal sano ah ugu daray hay’adaha dastuuriga ah, kadib ansixinta dastuurka cusub ee muranka dhaliyay.

Mucaaradka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo sii xoojin karta kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.