Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqada ka eriday sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Amniga Qaranka kadib markii baaritaan rasmi ah lagu ogaaday inuu isticmaalay shahaadooyin been abuur ah si uu shaqo uga helo dowladda.
Guddigu wuxuu sheegay in dacwadda ay ka timid Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, halka baaritaan dheeraad ahna uu sameeyay Xafiiska Shaqaale Qorista iyo Imtixaanaadka.
Baaritaankaas ayaa lagu xaqiijiyay in shahaadooyinka uu watay sarkaalku aysan sax ahayn.
Warqadda ayaa si gaar ah u xustay in shahaadooyinka la sheegay inay kasoo baxeen Jaamacadaha University of Nairobi iyo Egerton University la ogaaday in ay yihiin kuwo been abuur ah.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa la faray in si degdeg ah looga tirtiro liiska shaqaalaha dowladda, islamarkaana la qaado tallaabooyinka sharciga waafaqsan ee ku aaddan arrintaas.











