Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in dowladda ay go’aan ka gaartay in dalka laga eryo safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda, oo ku taariikheysan 5-da May 2026, ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, isla markaana ay abuureen walaac la xiriira faafitaanka xog khaldan oo saameyn karta xiriirka diblomaasiyadeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si cad u diidan tahay sheegashooyinkaasi, iyadoo ugu baaqday hay’adaha warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada inay muujiyaan masuuliyad, hubiyaanna xogta ay faafinayaan, isla markaana ku tiirsanaadaan ilo rasmi ah.
Sidoo kale, qoraalka ayaa digniin ka bixiyay khatarta ay leedahay faafinta wararka aan la hubin, kuwaas oo lagu tilmaamay inay wax u dhimi karaan xiriirka u dhexeeya dalalka Carabta iyo Soomaaliya.
Horaantii bishii Janaayo ee sanadkan, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen kuwa la xiriira maareynta dekedaha, iskaashiga amniga iyo arrimaha difaaca. Go’aankaas ayaa yimid kaddib kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada, iyadoo lagu sababeeyay falal lagu tilmaamay kuwo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka.











