Boqolaal shacab ah oo ka cabanaya arrimo la xiriira dhulal ay si sharci darro ah looga qaadayo, ayaa dibadbax ka dhigay inta u dhexeysa deegaanka Ceelasha Biyaha iyo waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa si weyn uga soo horjeestay damac la xiriira dhulalka ay degan yihiin, iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in si qasab ah looga qaado hantidooda.
Wararka ayaa sheegaya in rabshado ay ka dhasheen dibadbaxa, kaddib markii ay ciidamada ammaanku aybrasaas ku fureen dadkii dibadbaxa dhigayey, taasoo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cabashadooda, iyagoo dalbanaya in si cadaalad ah loo maareeyo arrimaha dhulka isla markaana la ilaaliyo xuquuqdooda.











