Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku xiray ka qeybgalka wadahadal kasta shuruudo adag oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Warqad rasmi ah oo ay soo saareen, Golaha ayaa sheegay in wadahadal lala galo dowladda Federaalka uu suurtagal noqon karo oo keliya haddii la muujiyo daacadnimo dhab ah, taasoo ay ku xireen laba qodob oo muhiim ah.
Qodobka koowaad ayaa ah in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan howlaha la xiriira doorashooyinka, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo qorshayaasha la xiriira hirgelinta doorashooyinka, si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara midnimada iyo wadajirka ummadda.
Qodobka labaad, Golaha Mustaqbalka ayaa dalbaday in la magacaabo dhexdhexaadiye madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo, kaasoo fududeyn kara wadahadal dhab ah oo miro dhal ah.











