Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay go’aan ay ku diidan yihiin sii jiritaanka muddo xileedka Madaxweynaha talada haya.
Mucaaradka ayaa sheegay in muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana wixii ka dambeeya aan loo aqoonsan doonin madaxweyne sharci ah.
“Wixii ka dambeeya 15 May, waxaan u aqoonsanaynaa inuu yahay muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha mucaaradka.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay eedeymo culus oo loo jeediyay xukuumadda, iyagoo ku dhaliilay inay dalka gelisay xaalado adag oo isugu jira amni darro, khilaaf siyaasadeed iyo dhibaatooyin nololeed oo saameeyay shacabka.
Mucaaradka ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo dhammaan saamileyda siyaasadda inay ixtiraamaan dastuurka, isla markaana la helo hannaan doorasho oo hufan oo lagu beddelo hoggaanka dalka si nabad ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo dhammaadka muddo xileedka dowladda, iyadoo weli aan la gaarin heshiis mideysan oo lagu wajaho kala guurka awoodda.











