Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa markale ka soo muuqday warbaahinta kadib muddo uu ka maqnaa, isagoo bixiyay wareysi si weyn u kiciyay hadal-heyn siyaasadeed.
Laftagareen ayaa sheegay in uu diyaar u yahay “halgan iyo dagaal cusub” oo uu ku sheegay in lagu “xoreynayo Koonfur Galbeed”, isagoo hadalkiisa u dhigay si adag oo muujinaya in uu weli isu arko madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xilka laga qaaday uu ahaa mid aan sharciyad buuxda lahayn, taas oo uu ku tilmaamay sababta uu u sii wado mowqifkiisa siyaasadeed.
Hadalkan ayaa yimid xilli xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay tahay mid kacsan, isla markaana ay jiraan muranno la xiriira hoggaanka iyo doorashooyinka maamulkaas.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo si toos ah uga jawaabaya hadalka Laftagareen, hase yeeshee hadalkiisa ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo xiisadda siyaasadeed ee gobolka.











