Jubbaland oo Boqolaal ciidan kusoo bandhigtay duleedka degmada Beled-Xaawo

1

Maamulka Jubbaland ayaa duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay Boqolaal ciidamo ah oo aad u hubeysan, kuwaas oo la sheegay in dhawaan loo soo gabagabeeyay tababar ciidan.

Dhoolatuskan militari ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka ka taagan tahay xiisad amni iyo mid siyaasadeed, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo oo horey ay ula wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada la soo bandhigay ayaa watay gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan, kuwaas oo muujinaya heerka diyaar-garow militari ee maamulka Jubbaland. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadan loo diyaariyay howlgal gaar ah oo la xiriira dib u qabsashada degmada Beled-Xaawo.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka inay “kusoo duushay” gobolka Gedo, iyadoo xustay inay ka go’an tahay inay dib ula wareegto deegaannadii ay sheegtay in laga qabsaday.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha iyo hadallada kasoo baxay Jubbaland. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda gobolka Gedo ayaa si weyn loo hadal hayaa, iyadoo laga cabsi qabo inuu mar kale halkaasi ka qarxo dagaal culus oo u dhexeeya labada dhinac.