Maraykanka oo diiday dalabka Iran, isaga oo sheegay in dagaalku aanu hore u dhammaan dooonin

0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa muujiyay diidmo ku aaddan soo jeedintii ugu dambeysay ee Iran ee la xidhiidhay nabadda, isaga oo sheegay in “ay dalbanayaan waxyaabo aan la aqbali karin,” isla markaana ka digay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda iyadoo aan xal waara laga gaadhin.

Trump ayaa intaas ku daray in dhammaad “degdeg ah” oo aan xal buuxa ku salaysnayn uu keeni karo in mushkilad la mid ahi ay dib u soo noqoto saddex sano gudahood.

Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa digniin culus u dirtay maraakiibta caalamiga ah ee maraya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, iyadoo sheegtay in cid kasta oo bixisa lacag ama canshuuro si ay halkaas uga gudubto ay halis ugu jirto cunaqabateyn ka timaadda Washington.

Sidoo kale, sahan cusub oo ay sameeyeen Washington Post, ABC News iyo Ipsos ayaa muujiyay in boqolkiiba 61 dadka Maraykanka ah ay aaminsan yihiin in go’aankii Trump ee adeegsiga awood ciidan oo ka dhan ah Iran uu ahaa mid khaldan.

Dhinaca diblomaasiyadda, safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay, Fu Cong, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xabbad-joojinta u dhaxaysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iran. Waxa uu xusay in arrinta xidhnaanshaha marin-biyoodka Hormuz ay noqon doonto ajande muhiim ah haddii ay weli taagan tahay marka Trump uu booqdo Shiinaha dabayaaqada bishan.