Cabdirashiid Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

1

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta fagaare guud kula hadlay dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada beledxawo

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, kor u qaadidda wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, iyo dardargelinta howlaha sugidda nabadgelyada.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku soo bandhigay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah xasilinta deegaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in magaalada Luuq ay dib u heli doonto xasiloonideedii, kadib dadaallo xooggan oo ay wadaan taliyaha nisa ee Jubaland iyo laamaha kale ee amniga.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa fariin adag u diray dowladaha dariska ah, isagoo sheegay in fariimaha loo gudbinayo ay gudbiyaanayan shaqsiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ah ee dhibaatada ku haya amniga deeganka i isla markaana aan loo dulqaadan doonin falalkaas, lagana hortagi doono si adag.

Taliyaha ayaa caddeeyay in dhulka Soomaaliyeed uusan qof somalia ah marti ku ahayn, balse Soomaaliya ay diyaar u tahay wada shaqeyn iyo daris wanaag ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi dhab ah.