Markab Shidaal oo lagu Afduubtay Xeebaha Dalka Soomaaliya

0

Saraakiil dhanka ammaanka ah oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay in koox burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen markab shidaal oo siday 17 shaqaale ah, xilli uu ku safrayay biyaha Badweynta Hindiya.

Markabka oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa waxaa habeenimadii Arbacada qabsaday lix nin oo hubeysan, xilli uu qiyaastii 30 meyl oo badda ah u jiray xeebta. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland, markabkan ayaa siday shixnad dhan 18,500 oo fuusto oo shidaal ah.

In kasta oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay burcad badeeddu ku dhowaad meesha ka baxday, haddana bilihii u dambeeyay waxaa dib u soo cusboonaaday weerarada ka dhanka ah maraakiibta jillaabka iyo kuwa xamuulka.

Afduubkan ayaa ku soo beegmaya xilli xaalad adag ay ka jirto magaalada Muqdisho, halkaas oo markabku ku sii jeeday. Qiimaha shidaalka ee caasimadda ayaa horay u saddex laabmay tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Mareykanka/Israa’iil iyo Iiraan. Qabsashada markabkan ayaa la filayaa in ay sii kordhiso walaaca laga qabo sicir-bararka shidaalka ee magaalada.

Markabka Honour 25 ayaa laga soo raray dekadda Berbera ee Somaliland 20-kii bishii Febraayo, wuxuuna gaaray xeebaha Imaaraadka Carabta wax yar ka dib markii ay colaadda gobolku billowday, ka hor inta aan jidka loo gelin isagoo ku soo jeeda Muqdisho.