Puntland oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday inuu bisha u hartay uga faaidaysto in la gaaro heshiis siyaasadeed

7

Golaha Wasiirrada ee nmaamulka Puntland ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay sheegeen in waqtigiisu sii dhammaanayo, inuu ka faa’iideysto bisha u hartay si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaasoo horseedi kara doorasho lagu wada qanco.

Baaqa ayaa yimid kadib kulan uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka dhalatay dhammaadka muddadii rasmiga ahayd ee Baarlamaanka federaalka 14-kii Abriil 2026.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisu dhammaanayo, in mudada Bisha ah ee u hartay uu garowsado sidii heshiis loo dhanyahay loo gaari lahaa si dalka ay uga dhacdo Doorasho la isla wada ogolyahay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha wasiirrada Puntland.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa muujiyey walaac ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ka digay in haddii aan la gaarin heshiis la isku raacsan yahay ay sii kordhi karto khilaafka siyaasadeed iyo xasillooni darrada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Puntland ay taageersan tahay in la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana lagu ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheikh waxaa ka harsan 30 cishe. Shalay waxaa ku ekaa muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya.

Inkastoo mucaaradku baaq u dirayaan dowladda, haddana madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku adkaysanayo in dowladdu qabanayso doorasho qof iyo cod ah, isagoo ugu baaqay mucaaradka inay doorashooyinka ka qeyb qaataan.