aliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Cafis u fidiyay Ciidamadii Koonfur Galbeed ee ku Lug Lahaa Dagaalkii Baydhabo

9

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, ayaa ku dhawaaqay cafis loo fidiyay ciidamo ka tirsan Asluubta Koonfur Galbeed oo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay weli ku sugan yihiin gudaha iyo hareeraha Baydhabo, halka kuwo kalena lagu soo warramayo inay ku dhuumaaleysanayaan guryaha magaalada.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan ciidamadaas inay dib ugu soo laabtaan shaqadooda si sharci ah.

“Waxaan rabnaa inaan cafinno cid kasta oo ka tirsan Ciidanka Asluubta, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed ee ku lug yeeshay dhacdadan ama weli baxsadka ku jira, ha soo baxaan,” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale, wuxuu xusay in khaladaadkii dhacay la sixi doono, balse aan la aqbali doonin in askari ka tirsan Asluubta uu hub qaato oo dagaal galo, isagoo tilmaamay in arrimaha noocaas ah ay waxyeello ku yihiin danaha qaranka iyo nidaamka dowladeed.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay si rasmi ah u bixisay cafiskan, isla markaana ciidamadu ay dib ugu laaban karaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan lala xisaabtami doonin wixii dhacay.

Dhanka kale, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa lagu soo warramayaa inay degan tahay, iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaas ka wado kulamo wadatashi ah oo la xiriira diyaarinta doorashooyin iyo dhismaha maamul cusub oo beddela kii hore.

Dowladda federaalka ayaa hore u shaacisay in aan la beegsan doonin askarta iyo shacabka la shaqeeyay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Laftagareen, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.