Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaqo joojin ku sameeyay Madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed

10

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay inay shaqo joojin ku sameeyeen madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga oo ku taariikheysan 4-ta Abriil 2026, kuna socotay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Xoghayaha Guud ee GMDQS, ayaa lagu sheegay in Cabdifataax Cabdullaahi Maxamed laga joojiyay shaqadii uu ka hayay Madaxa Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed ee GMDQS.

Go’aanka shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in  ay ku timid iyadoo la tixgelinayo xeerarka guddiga iyo habraacyada shaqada iyo hawlwadeennada GMDQS.

Sidoo kale, dhammaan hay’adaha kala duwan ee GMDQS ayaa lagu wargeliyay inay tixgeliyaan go’aanka shaqo joojinta ee guddigu ku sameeyay madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga doorasho ma sheegin sababta shaqada looga joojiyay madaxii xafiiska guddiga doorashooyinka ee Koonfur Galbeed, balse xogo aan helnay ayaa sheegaya in sababta looga joojiyay shaqada ay tahay inuu kamid ahaa dadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa, maalmo kaddib markii guddiga doorashooyinka Soomaaliya ay qalabka doorashooyinka geeyeen degaanada Koonfur Galbeed, si halkaas looga qabto doorashooyinka Golayaasha degaanka iyo kuwa baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaqo joojin ku sameeyay Madaxii Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed