Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Maamullada Dekadaha (Port State Control – PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka.
Sidoo kale Golaha Wasiirradu waxay meel-mariyeen Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa soo dhoweeyay ansixinta heshiiskan, isagoo boggiisa Facebook ku sheegay in is-afgaradkani uu xoojinayo iskaashiga, xog-wadaagga iyo wada shaqeynta dalalka ku bahoobay Badweynta Hindiya.
Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskani uu door weyn ka qaadan doono hubinta badbaadada maraakiibta, ilaalinta deegaanka badda, iyo kor u qaadista kalsoonida dekedaha Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.
Ku biirista Soomaaliya ee Is-afgaradka Badweynta Hindiya ee Port State Control waxay dalka siinaysaa awood sharci iyo mid farsamo oo lagu kormeero maraakiibta shisheeye ee isticmaalaya dekedaha Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay xaqiijinaysaa u hoggaansanaanta axdiyada caalamiga ah ee badaha, sida SOLAS, MARPOL, STCW iyo MLC 2006.
Heshiiskani wuxuu yareynayaa khataraha ka imaan kara maraakiibta tayo-darran, wasakhowga badda iyo khataraha amni, wuxuuna gacan ka geysanayaa ilaalinta xeebaha, khayraadka badda iyo kalluumeysiga dalka. Waxaa kale oo uu xaqiijinayaa xuquuqda iyo daryeelka badmaaxayaasha, halka Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto tababaro, khibrad iyo iskaashi caalami ah.











